Daawo: Saraakiisha Ahlu-Sunna ee qabsaday Guriceel oo shaaciyey qorshahooda, soona rogay amarro culus

Gurceel (Caasimada Online) – Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada Ahlu-Sunna ee maanta la wareegay degmada Gurceel ee gobolka Galgaduud ayaa soo saaray amarro dhanka socdaalka ah, sidoo kale waxay faahfaahin ka bixiyeen dagaalkii qaraaraa ee shalay ay ciidamada dowladda kula galeen deegaanka Bohol ee waqooyiga magaalada Dhuusamareeb.

G/Sare Cali Faarax Maxamed Bilaal oo ah Taliyaha hogaaminaya ciidamada Ahlu-Sunna ee maanta qabsaday degmada Guriceel ayaa warbaahinta la wadaagay amarro ay ku soo rogeen dhaqdhaqaaqa garoonka diyaaradaha ee degmada Gurceel.

“Maanta waxaan la wareegnay guud ahaan gacan ku heynta degmada Gurceel, waxaana na soo dhaweeyey bulshada deegaanka, horay waxaan ugu shaqey jirnay dadkaan iyo deegaankaan, hadana waxaan diyaar u nahay inaan u adeegno shacabkaan oo difaacano, waxaana ugu baaqeynaa inay is-dejiyaan,” ayuu yiri Sarkaalkaan u hadlay Ahlu-Sunna.

Sidoo kale Sarkaalkaan ayaa amar ku bixiyey in garoonka diyaaradaha ee degmada Gurceel aysan ka soo degi karin diyaarad sida hub iyo ciidan.

G/Sare Cali Faarax oo faahfaahin ka bixiyey dagaalkii ay shalay ciidamada dowladda kula galeen deegaanka Bohol ayaa sheegay inay ka guuleysteen weerar gardarro ay ku soo qaadeen ciidamadii uu Turkigu u tababaray Soomaaliya ee Gor Gor.

“Bohol waxaa ku sugnaa ciidamada AHSWJ, waxaana ku soo weeraray kuwo ku qaraabanaaya shaatiga dowladda, waxay ciidankii Qaranka ee dowladaha caalamka ay noo tababareen, sida GorGor oo kale ay u adeegsadeen si qaldan, laakiin ciidankii Ahlu-Sunna waa ka guuleystay duulaankaas,” ayuu yiri G/Sare Cali Faarax oo Gurceel warbaahinta kula hadlay.

Hoos ka daawo