Qoor Qoor oo hub iyo ciidan ka dejiyey DHUUSAMAREEB

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb waxaa galabta ka degay diyaarado siday Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor, senatorro iyo xildhibaano heer federaal ah oo ka soo jeeda Galmudug iyo ciidamo ka kala tirsan Haramcad iyo Duufaan oo dowladda federaalka ay u dirtay Galmudug, si looga difaaco Ahlu-Sunna.

Wafdigaas isugu jiray mas’uuliyiinta iyo ciidamada waxaa Dhuusamareeb soo ka dejiyey gelinkii dambe ee maanta seddax diyaaradood oo Muqdisho ka soo qaaday.

Tirada ciidamada uu Axmed Qoor Qoor la yimid Dhuusamareeb ayaa lagu sheegay 200 oo askari, kuwaas oo isugu jira booliska gaarka ah ee Haramcad iyo ciidanka Duufaan ee ka tirsan Nabad sugidda Soomaaliya. Sidoo kale cutubyo ka tirsan ciidanka GorGor ayaa horay u joogay Galmudug.

Senatorrada iyo xildhibaanada ka soo jeeda Galmudug ee Qoor Qoor la tegay Dhuusamareeb waxaa ka mid ah Senator Cabdixakiin Macalin Axmed, Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Dhegey), Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad iyo xubno kale.

Kulamo siyaasadeed oo ku saabsan xaaladda faraha ka sii baxaysa ee Galmudug ayaa caawa ka socda magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo Qoor Qoor iyo xubnaha kala yimid Muqdisho ay la yeelanayaan waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka deegaanka, waxaana kulamadaan looga hadlayaa sidii laga yeeli lahaa abaabulka ay Ahlu-Sunna ku qabsaneyso deegaanada Galmudug.

Ahlu-Sunna oo dib isku soo abaabushay ayaa maanta si nabad geliyo ah kula wareegtay gacan ku heynta magaalooyinka Gurceel iyo Matabaan oo ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, sidoo kale waxay dagaalyahanada Ahlu-Sunna isku uruursanayaan deegaano waqooyi ka xiga Dhuusamareeb.

Ciidamada Ahlu-Sunna waxay shalay ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka ku jebiyeen dagaal ay kula galeen deegaan lagu magacaabo Bohol oo waqooyi ka xiga magaalada Dhuusamareeb.

Dagaalkii shalay ayey ciidamada Ahlu-Sunna ku furteen gaadiid dagaal oo isugu jira Cabdi-bile, Booyad iyo Boobe, waxayna hoggaanka Ahlu-Sunna war-saxaafadeed ay ka soo saareen dagaalkaas ku sheegeen in lagu soo qaaday weerar gar-darro ah, iyagoo Ra’iisul wasaare Rooble uga dacwooday hurin colaadeed oo ay ku eedeeyeen Axmed Qoor Qoor iyo ah Fahad Yaasiin.