Ahlu-Sunna oo gacanta ku dhigtay degmada Matabaan

Matabaan (Caasimada Online) – Kooxda Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa goordhow la wareegtay gacan ku haynta degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo la hadlay Caasimada Online.

Sida aan xogta ku helnay, la-wareegista ayaa ku timid gadood ay sameeyeen shacabka ku nool magaalada, iyo taliye ku xigeenka booliska degmada Mataban Cabdullahi Aadan, oo isaga iyo ciidan uu wato ay ku biireen dhanka Ahlu-Sunna.

Inkasta oo Matabaan ay ka tirsan tahay Hiiraan iyo maamulka HirShabeelle, haddana shacabka ku nool magaalada badankood ayaa ku reer ah hoggaanka sare ee kooxda Ahlu-Sunna, oo ay si weyn u taageeraan.

Isla goor sii horeysay oo maanta ah ciidamo taabacsan hoggaanka Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa la wareegay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, iyadoo uusan ka dhicin wax dagaal ah. Ciidamada Ahlu-Sunna ee la wareegay magaalada Guriceel ayaa la sheegay inay ka yimaadeen dhanka deegaanka Godwiil oo ay saakay soo gaareen.

Waxaa isdhiibay ciidamadii booliska ahaa ee ku sugnaa magaalada Gurceel ee ka tirsanaa maamulka Galmudug, waxayna sarkaakiishii iyo ciidamadii maamulka Galmudug u joogay Gurceel u wareegeen dhanka Ahlu-Sunna.

Sida fudud oo ay Ahlu-Sunna ula wareegeyso deeegaanada Galmudug, ayada oo aanu ka dhicin wax dagaal ah, oo weliba ciidamada qaarkood ay ku biirayaan dhankooda, waxay astaan u tahay sida shacabka Galmudug u naceen hoggaan xumada Axmed Qoor Qoor.

Qoor Qoor ayaa mudadii uu madaxweynaha ugu magacownaa Galmudug, wuxuu intiisa badan ku sugnaa Muqdisho, isaga oo ka shaqeynaya danaha madaxweynaha muddo xileed-kiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.