Daawo: Sarkaal xubin sare ka ahaa Shabaab-ka Hiiraan oo is dhiibay iyo xog uu bixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Cilmi Siyaad oo ka mid ahaa madaxda Khawaarijta Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee ka howlgala magaalada Beledweyne, wuxuuna ka sheegeeyey sida ay ugu suurta gashay inuu ka soo baxo kooxdaas.

Ninkaan ayaa sheegay in Al-Shabaab uu u qaabilsanaa uruurinta lacagaha iyo xoolaha baadda ah, isagoo ka howlgeli jiray gobolka Hiiraan, wuxuuna cadeeyey in hadda uu ka soo haray gabi ahaanba kooxda Al-Shabaab.

“Go’aan aan qaatay ayaan uga soo tegay Al-Shabaab, Ilaahey ayaa go’aankaas igu soo duway, waxaan aaminsanahay in go’aankaan uu wax badan ka fiican yahay go’aankii hore ee Al-Shabaab aan ku galay,” ayuu yiri Xasan Cilmi Siyaad.

Ninkaan ayaa sheegay in waligiis uusan dad dhibaateyn, isla markaana uu xukumi jiray tuulooyin dhowr ah oo Hiiraan ka tirsan,

“Anigu waxaan oday ka ahaa deegaan Dhoqor la dhaho iyo dhowr tuulo oo kale, waligeyna qof maskiin ah ma dhibaateyn, oday meesha jooga ayaan ahaa kooxdana waan ka tirsanaa,” ayuu yiri sarkaalkaan.

Wuxuu sheegay in sababta uu u soo goostay ay tahay dhibaatada ay Al-Shabaab ku hayaan beeshiisa Xawaadle, isla markaana uu kala hadlay xubnaha kale ee beesha ka soo jeeda ee Shabaab kala tirsanaa.

“Anigoo odayaal ah oo Shabaab ka tirsaneyn, kana soo jeedayey beeshaan la dhibaateeyey ayaan raadinay in nalaka qanciyo wax yaabihii dhahay, laakiin waan weynay cid na qancisa, hal sano ayey nagu qaadatay inaan xaqa beesheena raadino,” ayuu yiri Xasan Cilmi.

Wuxuu sheegay in waayahaan uusan daacad u eheyn kooxda, “Qolofkeyga ayaa la joogay ee qalbigeygu lama joogin kooxdaas, hadda waxaan dib ugu soo laabtay dadkeyga oo aad ii soo dhaweeyey,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in afar sano uu ka tirsanaa kooxda, “Xalay saqdii dhexe ayaan ka soo tegay inta mooto soo qaatay, go’aankeyga oo kale inay qaataan ayaan ugu baaqayaa ragii aan ka soo tegay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Cilmi.

Hoos ka daawo