Daawo Sawirrada: Amarkii DF oo la jabiyay iyo Shariif oo sida madaxweyne loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degay Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif, ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin horay uga tirsanaa dowladii KMG, Siyaasiyiin ka tirsan Xisbiyada iyo Mas’uuliyiin kale.

Sheekh Shariif ayaa waxaa Garoonka Nairobi kasoo qaaday Diyaarad gaar ah, iyadoo Garoonka Aadan Cadde loogu soo dhaweeyay sida loo soo dhaweeyo Madaxeyne.

Sheekh Shariif ayaa waxaa lagu wadaa in Saacadaha soo socda uu magaalada Muqdisho kaga dhawaaqo Musharaxnimadiisa.

Dowlada Somalia ayaa dhawaan mamnuucday inaanu Garoonka Aadan Cadde lagu soo dhaweynkarin Musharaxiinta, waxaana markii danbe Garoonka u suuragashay inay qaabab kala duwan u galaan dadyow aad u farabadan kuwaasi oo soo dhaweeyay Sheekh Shariif.

Dadka soo dhaweynaayay Sheekh Shariif ayaa sidoo kale qaarkood watay Kaamirooyin yar yar iyo Mobilo kuwaasi oo lagu qaaday Sawirada Musharaxa, waxaana sidaa lagu jabshay amarkii kasoo baxay Maamulka Garoonka.

Sheekh Shariif ayaa waxaa ammaankiisa sugi doona Ciidamada AMISOM iyo ciidamo gaar ah, waxaana uu noqonayaa musharaxii u horeeyay ee ay ilaaliyaan ciidanka AMISOM.

Sheekh Shariif ayaa waxaa loo galbiyay Hooy dhawaan looga diyaariyay meel aan sidaa uga sii fogeyn Garoonka Aadan Cadde.
shariif1

shariif2

shariif-111

shariif-1111

shariif-2222

shariif-11112

shariif-gar

soo-dhoweyn1

soo-dhoweyn11

soo-dhoweyn111

soo-dhoweyn222

soo-dhoweynos