Daawo sawirrada canug yar oo mucjiso ah oo lagu arkay India

New Delhi (Caasimada Online) – Dalka India ayaa ku caan baxay Mucjisooyinka Adduunka waxaana iminka dalkaasi ku dhashay canug yar oo laba madax leh.

Canugaani ayaa ku dhashay isbitaal Jawaharlal Nehru Medical College ee ku yaal magaalada Ajmer ee dalka Hindiya, sida ay qoreen wargeysyada dalka India.

Canugaani labada madax leh ayaa jirka intiisa kale iskumid ka ah, waxa ayna Saraakiisha caafimaadka Isbitaalkaasi sheegen inay adag tahay inuu noolaado canugaasi.

Canugaani Labada madax ayuu sidoo kale ka shaqeynayaa, balse ciladiisa ugu weyn ayaa ah inuu gabay is dhaqaajinta saa’idka ah.
mucjiso-1

mucjiso-2

mucjiso-3