Imisa sarkaal ayaa QM looga dilay Somalia dhowrkii bil ee tagay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin lagu baahiyay beejajka ay is ticmaalan Xafiisyada Hay’adda QM ayaa waxaa lagu soo bandhigay tirada Saraakiil ee ka tirsan Xafiiska QM u qaabilsan Isku xirka Hawlaha Smaafalka ee OCHA ee lagu dilay Somalia.

Warbixintaani ayaa waxaa lagu sheegay in mudada u dhexeysay Bilaha Janaayo ilaa September ee sannadkani Somalia lagu khaarijiyay 9 Sargaal kuwaasi oo xiliga la dilaayay ku howlanaa shaqooyinkooda caadiga ahaa.

Dilalka Saraakiisha ayaa inta badan u dhaca qaabab kala duwan oo ay kamid tahay isku dhac dhexmara laba dhinac oo hubeysan iyo dilal qasdi ah oo loo bareeray.

9-kii bilood ee lasoo dhaafay waxaa Saraakiisha Hay’adda kaga dhaawacmay Somalia 11 Sargaal, waxaana sidoo kale jira ku dhawaad 3 Sargaal oo lagula kacay Afduub.

Saraakiisha ugu sareysa Xafiiska QM ugu qaabilsan Isku xirka Hawlaha Smaafalka ee OCHA, waxa ay sheegen in talaabooyinka qaar oo ay qaadayaan Saraakiishooda gurmadka ay kasoo wajahdo dhibaatooyin lidi ku ah noloshooda.

Saraakiishu waxa ay sheegen in inta badan xiliyada ay fidinayaan gurmadka ay Saraakiishooda la kulmaan tacadiyo loola gol leeyahay bixinta madax furasho.

Si kastaba ha ahaatee, warbixintaani kasoo baxday Xafiiska QM ugu qaabilsan Isku-xirka Hawlaha Smaafalka ee OCHA, ayaa waxaa lagu soo beegay iyadoo QM ay walaac ka muujineyso tacadiyada kusii kordhaaya dalka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com