Xasan oo shaaca ka qaaday shir ka furmaya Muqdisho iyo ujeedka

AvatarBy Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia uu ka furmo shirka Madasha Hoggaanka Qaranka.

Shirkaani ayaa waxaa la sheegay in lagu xalin doono tashwiishka yar ee wali ka dhex jira Madaxda DFS iyo Hogaamiyayaasha kaasi oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shirkaasi uu magaalada Muqdisho ka furmi doono 10-ka bishan.

Xassan Sheekh waxa uu sheegay in shirka looga arrinsan doono arrimaha dardar-gelinta doorashada, amniga iyo Siyaasadda dalka.

Waxa uu tilmaamay in shirkaani uu ahmiyad gaara u yeelan doono Somalia, waxa uuna tallaabo hormar leh ku sheegay shirarkii horay u qabsoomay ee lagu xaliyay caqabadaha dhowrka ah.

Shirkaani ayuu sidoo kale ka muujiyay rajo aad u ballaaran waxa uuna carabka ku dhuftay in lagu xalin doono arrimo kale oo dhowr ah.

Docda kale, shirkaani ayaa waxa uu barbar socdaa dhowr shir oo horay ay Madasha Hoggaanka Qaranka ugu yeesheen magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com