Dib u dhac cusub oo doorashada soo wajahay iyo guddiga oo arrin yaab leh shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir Jaraa’id oo ay magaalada Muqdisho ku qabteen Guddiga doorashada dadban ee Somalia, ayaa waxaa lagu shaaciyay inuu jiro dib u dhacyo ay sababayaan Maamulada dalka ee laga sugaayo soo gudbinta liiska xubnaha u sharaxan Golaha Sare ee Baarlamaanka Somalia.

Guddiga waxa uu sheegay in maamuladii laga filaayay soo gudbinta Liiska aysan wali soo gudbin, markii laga soo gudbo maamulka Puntland oo noqonaaya maamulka keliya ee iminka sida rasmiga ah usoo gudbiyay Liiska.

Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey) oo ah Guddoomiyaha guddida doorashada dadban ayaa sheegay in wakhtiga uu yahay mid is guraaya loona baahan yahay inaanu caqabad lagu noqon xiliga doorashada.

Dhagey waxa uu sheegay in maamul goboleedka Puntland uu soo gudbiyey illaa 22 musharax oo u tartamaya golaha sare, halka uu sheegay in maamul goboleedada kale uu ka rajo qabo inay si dhakhso ah u soo gudbin doonaan.

Haddalka Dhagey ayaa imaanaya iyadoo inta badan Maamulada laga sugaayo soo gudbinta Musharaxiinta Aqalka Sare ay yihiin kuwo faraqa is heysta oo aan wali gaarin xal rasmi ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com