Kuwait City (Caasimada online) Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Adan, ayaa kulan waxay kula qaadatay magaalada Kuwait Xogyaha Guud ee Jaamacadda Carabta Nabiil Al-Carabi.
Fowsiyo Yuusuf Adan, waxay shaaca ka qaaday in dowlada Kuwait iyo Jaamacada Carabtuba ay ku qanacsan yihiin in Somalia ay ka gacan siiyaan sidii ay cagaheeda ugu istaagi laheyd.
Markii ay la kulantay Madaxda Jaamacada Carabta gaar ahaan Xogyaha Guud ee Jaamacadda Carabta Nabiil Al-Carabi, ayay sheegtay inay kala hadashay sidii Somalia ay uga caawin lahaayeen dhanka dib u dhiska dalka ayna ka aqbaleen .
Sidoo kale Xogyaha Guud ee Jaamacadda Carabta Nabiil Al-Carabi.wuxuu shaaciyay inay dhexda u xiran doonaan sidii Soomaaliya ay uga caawin lahaayeen dhamaan adeegyada ay u baahan tahay si dowladnimadeedii ay dib ugu soo ceshato.

Caasimada online
Xafiiska Kuwait City

