27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

IGAD maxay ka tiri Duufaanta G/bari?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Masuuliyiinta urur goboleedka IGAD ayaa ku baaqay in hayadaha gargaarka iyo hayadaha caalamiga ay caawiyaan dadkii waxyeelada ay kasoo gaartay dabeylihii ku dhiftay deegaanada Puntland oo sababay dhimashada dadka iyo xoolahii ay lahaayeen.

Maxamuub Macalin xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD ayaa sheegay in saameyn ay ka dhasheen dabeylihii ku dhiftay deegaanada Puntland, loona baahan yahay in la gargaaro dadkii waxyeelada ay soo gaartay.

“Aniga oo ku hadlaya magaca IGAD, waxaana dowlada deeq bixiyaasha ah, wadamada xubnaha ka ah IGAD, hayadaha gargaarka ururada gobolka iyo kuwa caalamiga aan ka dalbanayaa inay ka jawaab celiyaan waxna u qabtaan dadka ay waxyeelada soo gaartay”ayuu yiri Maxbuub Macalin.

Marka loo eego warbixino ay laga soo xigtay madaxda dowlada iyo Puntland inka badan 50,000 oo ruux ayay saameysay arintaasi iyadoo inka badan 300 oo ruux ay naftooda ku waayeen, waxaana guryo la’aan ay qatayay kumanaan dad ah oo xoolahoodii ay ku geeriyoodeen duufaantaasi.

Dowlada Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa horay uga dalbaday hayadaha deeqaha bixiya inay wax u qabtaan dadka ay waxyeelada kasoo gaartay duufanadii ku dhiftay gobolada Nugaal iyo Bari.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News