26.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Jawaari oo shaaca ka qaaday sababti keentay in madaxweyne Xasan uu…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa maanta gaaray wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Baarlaamka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

Jawaari oo saxaafadda si kooban u la hadlay ayaa sheegay in uu ka qaybgalaayo shir ka dhacaya magaalada Kuwait ee xarunta dalka Kuwait kaasoo ay ka qaybgalaya hoggaamiyaasha Afrika iyo Carabta.

Wuxuu sheegay in uu Madaxweynaha ka codsaday in uu ka qaybgalo Shir-madaxeedka waddamada carabta iyo Afrika oo  19-ka ilaa 20-ka bishan ka dhacaya.

Jawaari ayaa qiray in markii horre uu qorshaha ahaa Madaxweynaha in uu ka qaybgalo shirka balse shaqooyin cusul oo u yaalla darteed uu ka baaqday sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, Jawaari ayaa ka gaabsaday in uu ka warbixiyo khilaafka Madaweynaha iyo Raysal Wasaaraha wuxuuna sheegay in wax kasta si nidaam ah lagu xallin doono.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News