28.5 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Madaxweynihii hore ee Somalia oo ka hadlay khilaafka Xasan iyo Saacid

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cairo (Caasimada Online) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa caawa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay khilaafka soo kala dhexgalaya madaxweynaha iyo raysal wasaaraha Soomaaliya.

Isagoo la hadlaayay Idaacadda Kulmiye, ee Magaalada Muqdisho ayuu ugu horreyn ka hadlay dhibaatada duufaanta ee ku dhuftay gobalka Bari ee dalka Soomaaliya iyo Fatahaada Wabiga Shabeelle ee uu ka sameeyay gobalka Shabeellaha Dhexe.

Cabdiqaasim Salaad ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in gargaan walalahooda ku waxyeelabay labadaas masiibo, wuxuuna sheegay in beesha caalamka in looga baahan yahay in si isku mid ah u caawiyaan dadka Soomaalida.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedka ka taagan gobalka Shabeelaha Dhexe isagoo dowladda ugu baaqay in ay arrintaas si degdeg ah ay wax uga qabato.

“Dalku dhinac in uu dagaalo ka socdo dhinacna ay ka socdaan dhibaatooyin dabiici ah sida kuwa ka taagan Barri waa arrin ayaan daro ah” ayuu yiri Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Madaxweynihii horre ee Soomaaliya, ayaa wax laga weydiiyay khilaafka madaxweynaha iyo raysal wasaaraha, wuxuu sheegay in marka uu ka xun yahay khilaafka inuu soo baxo maadama muddada sannadka ee ay jiraan uusan ka dhex dhicin labada nin wax khilaaf ah.

Wuxuu sheegay in khilaafka labada nin loo baahan yahay in loo saaro dad wax garad ah oo ay ku jiraan siyaasiyiin kuwaasoo soo qiimaya bal cida qaldan iyo wax yaabaha la isku heesto, intaas kaddibna markii ay shaqada soo qabtaan in lagu kalsoonaada natiijada ka soo baxday.

“Raysal Wasaaraha iy Madaxweynaha in ay is qabteen ma ahan, haddii wax la isku qabtay aayad qur’aan ma ahan ee waa in guddi loo saara arrintaas kuwasoo ka soo fikira, umada Soomaaliyeed rajo fiican ayay lahaayeen ka hor khilaafkan” ayuu yiri Cabdiqaasim.

- Advertisement -

Read more

Local News