Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay galabta qarax xooggan oo ah nooca miinada.
Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online, in qaraxa lala bartilmaameestay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka kumeel gaarka ee Jubba.
Inta la ogyahay labo askari ayaa ku dhintay qaraxa oo ahaa miinada dhulka la galiyo kaasoo lala beegsaday baabuur ay la socdeen ciidamo.
Qaraxa kaddib ciidamada Maamulka Axmed Madoobe ayaa howgal ka sameeyay xaafadda Via Afmadow oo qaraxa uu ka dhacay, waxaana halkaas ay ku qabqabteen dhowr qof oo lagu tuhumaayo qaraxa.
Xaaladda Magaalada ayaa caawandeggan in kastoo isku socodka dadweynaha iyo gaadidka ay teel teel ahaayeen sida uu noo sheegay Wariye ku sugan Kismaayo.
Ma jirto koox ilaa hadda koox sheegtay qaraxa ka dhacay Kismaayo balse ma ahan markii ugu horreysay oo qarax uu halkaas ka dhaco.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

