Daawo sawirada Qaabka ay sirdoonka Ethiopia xogta u ururiyan Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia waxa ay kamid tahay dowladaha deriska la ah Somalia ee sida xoogan kaga soo horjeeda Somalia oo dib u hanata Amni, Kala danbeyn iyo Xasilooni.

Dowlada Ethiopia waxaa dalka uga howlgala Basaasiin kala ceyn ah, waxa ayna kuwooda ugu badan ka howlgalaan deegaanada Somaliland, Puntland iyo magaalada Muqdisho.

Somaliland iyo Puntland waxaa uga howlgala dhalinyaro rag iyo dumar kale kuwaasi oo ku shaqeysta wareejinta alaabaha oo loogu magacdaro ”Bedel”, halka kuwa dumarka Basaaska ah ay ka shaqeeyan guryaha iyagoo gabaad ka dhigta qadaamad iyo inay ka shaqeeyan maqaaxiyada laga cunteeyo.

Tirada dhalinyaradaasi Ethiopianka ah ee la shaqeeya Hay’ada Sirdoonka Ethiopia ayaa ku kala nool magaalooyinka Boosaaso iyo Hargeysa, iyadoo ay xusid mudan tahay in maamulada ka kala arimiya Puntland iyo Somaliland horay looga digay inay faragaliyaan amuuraha dhalinyaradaasi iyo wixii la xiriira shaqooyinkooda.

Kuwa dowlada Ethiopia uga howlgala magaalada Muqdisho ayaa inbadan ka duwan kuwa kale ee ka shaqeeya deegaanada Puntland iyo Somaliland, waxa ayna kuwaani yihiin kuwo u badan Soomaali iyo Oromo.

Goobaha ay sida gaarka ah uga howlgalaan ayaa waxaa kamid ah Suuqa-bakaaraha, Goobaha laga raro gaadiidka BL-da, Maqaayadaha, Wareejinta cirbadaha iyo dunta IWM.

Kuwa Oromada ah ee mudada badan ku dhex noolaaday shacabka Muqdisho, ayaa waxaa ka khatarsan kuwa Soomaalida ah ee ugaarsiga ugu jira dadkooda.

Dowlada Somalia iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaan u muuqan halista dowlada Ethiopia ay ku heyso dalka, waxaase gabi ahaan arrintaani uga muhiimsan qaadashada dhaqaalaha u muuqaalka ek shaxaadka.
badal-1

badal-2

badal-3

badal-4