Daacishtii ugu horeysay oo lagu soo taagay maxkamad Somalia

Baydhabo (Caasimada online) – Markii ugu horeysay xubno la sheegay iney Daacish ka tirsan yihiin ayaa maanta maxkamad lagu soo taagay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 60 aad ayaa maanta maxkamad soo taagtay rag la sheegay iney Daacish ka tirsanaayeen kuwaasi oo dhawaan lagu qabtay gobolka Baay.

Aadan Abuukar Maxamed oo ah gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee gobolka Baay ayaa ku dhawaaqay xukun xabsiyeed gaaraya min 10 sano oo xabsi ciidan ah in lagu riday ragga daacish ka tirsanaa.

C/Casiis Xasan Mursal oo lagu eedeeyay in kooxda Daacish ay u soo wakiilatay magaalada Baydhabo, si uu uga fuliyo falalka guracan ee kooxdaasi ayaa kamid ahaa ragii maanta maxkamada ay xukuntay.

Mahad Nuur Siidow oo isna lagu sheegay inuu yahay ninka Kooxda Daacish ay wakiilka uga dhigatay in Baydhabo uu ka fuliyo Qaraxyada, isagoo la tilmaamay in uu awood u leeyahay in gacantiisa uu ku sameeyo waxyaabaha qarxa.

Waa markii ugu horeysay oo maxkamada ciidamada qalabka sida ay kasoo muuqdaan xubno Daacish ka tirsanaa oo Soomaaliya lagu qabtay

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com