Xog: Mareykanka, Yahuuda iyo Sacuudiga oo wada qorshe Somalia loogu darayo Ethiopia

Jerusalem (Caasimada Online) – Sannadkii 2015 ayay ahayd markii Sarreeye Guuto Janaraal Anwar Al Cishqi oo ah janaraal Hawl-gab ah oo sucuudiyaan ahi khudbad sir ahayd balse markii dambe warbaahintu heshay uu ka jeediyey kulan ay soo abaabushay Xarunta Daraasaadka xidhiidhka Arrimaha dibadda ee Caalamiga ah ee lagu magacaabo Council on Foreign Relations oo Maraykan ahi, kulankaasi oo ka qabsoomay dalka Israel uu ku sheegay qorshayaal ay Sucuudigu kala shaqaynayaan dalalka Israel iyo Maraykanka oo la xidhiidha xaaladaha Bariga dhexe iyo Geeska Afrika isaga oo wakhtigaasi sheegay in Sucuudigu Maraykanka kala shaqayn doono sidii Soomaalida Geeska Afrika ku nool loo hoos gayn ahaa nidaam ahaan dalka Itoobiya.

Hadaladaasi Janaraal Anwar Al Cishqi wakhtigaasi jeediyey ayaa durba qaybo ka mid ahi u qabsoomeen sidii uu wakhtigaasi uga hadlay iyada oo dhinaca kale qorshayaashaasi ay ku soo beegmayaan xidhiidhkii Sucuudiga iyo Maraykanka oo madmadaw soo kala dhex galay kadib markii toddobaadkan Koongareeska Maraykanku ansixiyey qaraar shacabka Maraykanka u ogolaanaya in ay dacwad ku soo oogu karaan sucuudiga iyaga oo mag-dhaw ka raba weerarkii 11 September.

Khudbaddii haddaa wakhtigaasi Janaraal Anwar Al Cishqi uu ka jeediyey Xarunta Daraasaadka xidhiidhka Arrimaha dibadda ee Caalamiga ah ee lagu magacaabo Council on Foreign Relations ayaa waxa uu sheegay in qorshayaasha Sucuudigu Maraykanka kala shaqaynayo ay ka mid tahay sidii Dhulka Soomaalidu degto ee Geeska Afrika loo raacin lahaa dal-weynaha waddanka Itoobiya nidaam siyaasadeed ahaan iyada oo la isticmaalayo wax uu ku sheegay Geeska Afrika oo ay xataa ku jirto dawladda yar ee Jabuuti. Janaraal Anwar Al Cishqi waxa uu sheegay in khayraadka Dhulka Soomaalida Itoobiya ee Kililka Shanaad loo yaqaano laga dhoofin doono deked ganacsi oo laga hir gelinayo dalka Jabuuti gaar ahaan deegaan loo yaqaano Madiinatul Nuur oo ku xidhnaan doonta dekad laga hir gelin doono dhinaca Yemen oo isla magaca Madiinatul Nuur la yidhaa iyada oo la marin doono dhuumo laga dhoofiyo shidaalka gaar ahaan gaasta caydhiin.

Janaraal Anwar Al Ciqshi waxa uu qodobkaasi ku xigsiiyey qodobka istaraatiiji ahaan u qorshaysan dalalka Maraykanka iyo beesha caalamka oo ah in dalalka Khaliijka Carabta siyaasad ahaan la sii mideeyo oo waliba dhaqaale ahaan si weyn la isugu xidho iyada oo Sucuudiga laga caawin doono sidii uu wax soo saar ballaadhan uga soo saari lahaa keydka ugu ballaadhan bariga dhexe ee dhinaca khayraadka oo ku yaalla Saxaraha Rubcul Khaali oo Sucuudiga ah.

Janaraal Anwar Al Ciqshi waxa uu xaruntan ka jeediyey si loo gaadho arrimahaasi in ay jiraan qodobbo lagama maarmaan ahi kuwaasi oo uu ku sheegay sidan:

1. In kor loo qaado xidhiidh saaxiibtinimo iyo is fahan laga dhex dhaliyo Carabta iyo Israel

2. Qodobka labaad waxa uu ku sheegay in ay tahay in la baddalo siyaasadda lagula dhaqmayo dalka Iiraan.

3. In La Mideeyo waddamada Gacanta Carbeed.

4. Waa in la dejiyo oo nabadgelyo lagu soo dabbaalo dalka Yemen loona dhiso dawlad ay carabtu gaar ahaan sucuudigu oggol yihiin.

5. In La Dhiso Ciidan carbeed oo ay Maraykanku wax ka dhisaan kuna xidhan Maraykanka.

6. Faafinta wax uu ku sheegay dimuuqraadiyadda islaamiga ah.

Sarkaal Anwar Al Cansi waxa uu madax ka yahay xarunta daraasaadka iyo istaraatiijiyadda ee Jiddah waddanka boqortooyada Sucuudiga waana sarkaal hawl-gab ah kaasi oo booqashada uu Yuhuudda wakhtigaasi ku tagay dalalka carabta ka dhalisay buuq.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com