25 C
Mogadishu
Tuesday, January 20, 2026

Sawirro: Sida uu xaalku noqday goortii Garoonka Manchester…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha Booliska dalka Ingiriiska ayaa howlgal ka sameeyay gudaha Garoonka kooxda kubadda cagta ee Manchester United.

Saraakiisha ayaa la arkayay iyaga oo wata eeyo nooca tababaran oo lagu baadi-goobaayay Miino la sheegay in garoonka la dhigay.

Ciidamada ayaa isku gadaamay goobta laga helay wax lagu sheegay miinada, waxa ayna si xeeladeysan u qarxiyeen walxahaasi, oo markii hore lagu sheegay inay ahayd bambo halkaasi la soo dhigay.

Waxaa guud ahaan isbedelay xaalada Garoonka waxaana la arkaayay kumanaan taageero ah oo banaanka sare looga soo saaray Garoonka kuwaasi oo banaan joog ka noqday garoonka.

Boolisku waxay sheegeen in bambada lagu arkay Garoonka ay u ekeyd mid run ah, balse baaritaanadii dambe waxay xaqiijiyeen inaanu run ahayn, islamarkaana uu ahaa wax macmal ah.
man1

man2

man3

man4

man5

man6

man7

man8

man9

man10

man11

man12

- Advertisement -

Read more

Local News