Muqdisho (Caasimada Online) – Heshiiskii xubnaha madasha wada-tashiga qaran ay ka gaareen doorashada 2016-ka ee Soomaaliya ayaa u muuqda mid fashil ku dhow kadib markii ay diideen inta badan xildhibaannada baarlamanka Soomaaliya.
Xildhibaanada oo toddobaadyadii dhowaa ka doodayey heshiiska ayaa badankood isla ogolaaday in heshiisku yahay mid iska horkeenaya Soomaalida oo aan wax dan ah ugu jirin, sidaa darteedna meesha laga saaro, ama wax laga beddelo.
Xildhibaanada baarlamanka waxay sheegeen inay wax aan la qaadan karin tahay in laba milyan iyo bar qof oo Soomaali ah oo ku nool magaalada Muqdisho la yiraahdo xuquuq ma lahan, matalaadna kuma lahan aqalka sare ee baarlamanka.
Xildhibaanada ayaa soo jeediyey in xubnaha madasha ay saddex mid kala doortaan.
1 – In Gobolka Banaadir sideed xubnood laga siiyo aqalka sare ee baarlamanka.
2 – In Aqalka sare ee baarlamanka meesha laga saaro, dalkuna yeesho hal aqal oo baarlaman ah sida iminka uu yahay, laguna qeybsado 4.5.
3 – In Heshiiskan ay sharci darro ka dhigi doonaan haddii aan la yeelin laba qodob ee kor ku xusan midkood.
Go’aanka xildhibaanada ayaa ka qeylisiiyey maamulka Puntland oo heshiiskan danta weyn ku qaba, ayaga oo ka digay in heshiiska uu baarlamanka hor-istaago.
Waxaa sidoo kale tallaabada xildhibaanada ay keentay in beesha caalamka ay ku baaqday inaan heshiiska la hor-istaagin, maadaama ay u aragto mid sii kala fogeyn kara Soomaalida.
Haddii xildhibaannada ay si rasmi ah meesha uga saaraan heshiiskan waa guul usoo hoyatay shacabka Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

