28.4 C
Mogadishu
Monday, January 19, 2026

Daawo sawiradda: Diyaargarowga ka socda Hoolka lagu dhaarin doono Xildhibaanada cusub

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka socda qaban-qaabada
munaasabad ballaaran oo la filayo in lagu dhaarin doono Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Somalia.

Qaban-qaabada munaasabad ayaa waxa ay ka soctaa xarunta Ex School Polizio oo sanadkii 2012 ka dhacday doorashada, waxaana halkaasi ku sugan shaqaale aad u farabadan oo ka shaqeynaaya qurxinta Hoolka Xildhibaanada lagu dhaarin doono.

Hoolka ayaa waxaa lagu hardhay Ubaxyo kala ceyn ah waxaana sidoo kale ka muuqda Kitaabka Qur’aanka Kariimka oo lagu diyaariyay Miisas dhaadheer.

Munaasabada ayaa waxaa qeyb ka noqon doona Madaxweynaha Somalia ee wakhtigiisu dhamaaday, Wasiiro ka tirsan Xukuumada dhacday, Xubno ka kala socda Beesha Caalamka iyo Siyaasiyiin kala ceyn ah.

Qaban-qaabada socta ayaa waxaa barbar socda diiwaan-galinta xildhibaannada cusub, waxaana xusid mudan in dhaarinta Xildhibaanada ay dhaceyso xili 11 Xildhibaan ay ka maqanyihiin Liiska, waxaana sidoo kale wali magaalada Muqdisho ka socda Doorashada Xildhibaanada Beelaha kasoo jeeda Gobolada Waqooyi.

- Advertisement -

Read more

Local News