Bosaso (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Bosaso uu ku geeriyooday Taliye ku-xigeenkii sedexaad ee ciidanka Booliska maamulka Puntland Jaamac Saxar-diid Cabdi.
Taliye ku-xigeenka ayaa goordhow ku geeriyooday isbitaalka weyn ee magaalada Bosaso halkaasi oo shalay lala dhigay dhaawac kasoo gaaray rasaas lagu furay.
Taliyaha ayaa u geeriyooday Rasaas dhowr ah oo looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa, waxaana shalay suuragashay in lagu sameeyo qaliin lagu guuleystay, hayeeshee waxa uu goordhow u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.
Geerida Taliye ku-xigeenka ayaa waxaan wali ka hadal Madaxda maamulka Puntland waxaana lasoo warinayaa in meydka Taliyaha uu wali ku jiro Isbitaalka weyn ee magaalada Bosaso.
Magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa waxaa ka dhaca dilal fool-xun oo loo adeegsado Bastoolado kuwaa oo lala beegsado Madaxda iyo Saraakiisha ciidanka.
Caasimada Online
Xafiiska Bosaso
[email protected]

