Bosaso (Caasimada Online) – Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar lagu dhaawacay Taliye ku-xigeenkii Saddexaad ee Ciidanka Booliska maamulka Puntland Jaamac Saxardiid Cabdi.
General C/qaadir Shire Faarax (Erag) oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Puntland oo faahfaahin ka bixinaayay weerarka ayaa waxa uu sheegay in Booliska ay aqoonsadeen dhalinyaradii ka danbeysay weerarka lagu dhaawacay Taliye xigeenka.
Erag waxa uu sheegay in wiil dhalinyaro ah uu rasaasta ku hubsaday Taliye ku-xigeenka waxa uuna intaa raaciyay in la aqoonsaday muuqaalka, magaca iyo qoyska uu kasoo jeedo wiilkaasi dhalinyarada ah.
”Raggii dhaawacay Taliye ku-xigeenka Saddexaad ee Ciidanka Booliska Puntland Jaamac Saxardiid Cabdi waxaa aqoonsaday Ciidamo ka tirsan Booliska oo goobta weerarka uu ka dhacay ku shaahayay guuldaro nooma aha aqoonsiga wiilka weerarka geystay ee waxa ay ka dhigantahay guul”
Taliye ku-xigeenka Saddexaad ee Ciidanka Booliska Puntland Jaamac Saxardiid Cabdi, ayaa lagu sameeyay qaliin lagu guuleystay, waxaana iminka lasoo warinayaa in Taliye xigeenka uu yahay mid ka caafimaad qaba xanuunkii badnaa ee dhaawaca ka dhashay.
General C/qaadir Shire Faarax (Erag) Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Puntland ayaa sheegay dhowaan in ay gacanta ku soo dhigi doonaan raggan, sidoo kalena ay soo bandhigi doonaan.
Weerarka lagu dhaawacay Taliye xigeenka ayaa imaanaya iyadooo inta badan deegaanada maamulka Puntland ay ka dhacaan dilal kadis ah oo lala beegsado keliya Madaxda maamulka.
Caasimada Online
Xafiiska Bosaso
[email protected]

