27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Wasiir Nuux oo marmarsiyo cajiib ah u sameeyay Musuqa lagu doortay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Somaliya Maxamed C/laahi Xasan Nuux ayaa ka hadlay doorasho musuq-maasuq ah oo ka dhacday magaalada Jowhar ee Xarunta maamulka Hirshabelle taa oo shaqsi ahaantiisa lagu soodooraty.

Nuux oo lagu soo doortay qaab musuq ah, ayaa sheegay in doorashadiisu ay tahay mid cadaalad ah, waxa uuna meesha ka saaray in qaab khaldan lagu doortay.

Nuux ayaa wali ku indha adeegay doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar ee lagu doortay isaga inay aheyd mid xalaal.

Nuux wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay dooarashadaasi inay tahay mid wanaagsan oo dadka Beeshiisa ay u soo doorteen inay u wakiishaan Baarlamaanka cusub inuu ka mid noqdo.

”Anigu ma garankaro waxa leygu heysto waayo waxaan hubaa in Beesha aan kasoo jeedo ay aniga ii wakiilatay inaan u matalo kursiga Baarlamaanka Somalia”

”Shaqsiga aan ka guuleystay dabcan waxa uu ahaa mid aan ka dhexmuuqan doorashada ama aan kalsooni ka heysan dhanka Ergada, waxaa suuragashay in Ergada Beesha ay aniga isiiyan kalsoonida”

”Haddii la doonaayo cadaalad waxaa loo baahan yahay in la aqoonsado Kursiga ay Beesheydu ii wakiilatay ee qaabka cadaalada lagu doortay”

Guddiga Doorashooyinka dadban ee dalka ayaa horay u shaaciyay inay Doorashadii Nuux ay aheyd mid sharcidaro, islamarkaana lagu noqonaayo.

Haddalka Nuux ayaa imaanaya iyadoo Odayaasha Beesha Jidle ay ku jahwareersan yihiin halka ay Siyaasadu ka dhabaqsan tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News