25.3 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Cabdi Wali Gaas oo Muqdisho kasoo degay iyo qorshihiisa oo la ogaaday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminaayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Madaxweynaha maamulka Puntland, ayaa magaalada Muqdisho uga qeybgali doona shir ay isugu imaan doonaan madasha wada tashiga Qaran ee arrimaha doorashada Soomaliya.

C/wali Gaas oo hadal kooban siiyay Saxaafada ayaa sheegay in isaga iyo Wafdigiisa ay magaalada Muqdisho usoo gaaren si ay uga qeybgalaan shirka Madasha Wada Tashiga Qaran ee ka furmaya magaalada Muqdisho.

Shirka Madasha Wada Tashiga Qaran ee ka furmaya magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ku marti ah Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada dalka, waxaana la filayaa in lagu lafaguri doono arrimaha doorashooyinka dalka.

Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada dalka ayaa kalin muhiim ah ka qaata arrimaha loogu diyaar garoobayo doorashooyinka dalka.

Docda kale, Hogaamiyayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa ka maqnaa kulankii ugu danbeeyay ee magaalada Muqdisho ku dhexmaray Hogaamiyayaasha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News