Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka ayaa shahaadooyinka aqoonsi u diiday xildhibaanada beelaha Ceyr iyo Harti-Abgaal, oo shalay kusoo hungoobay xarunta guddiga sida ay ogaatay Caasimada Online.
Labadan beel ayaa guddiga waxa uu ku haystaa inaysan fulin ballantii ahayd qoondada haweenka, ayada oo xitaa aan hel haween u ogolaan inay tartanka, iska daad inay ka mid noqoto xildhibaanadee.
Xildhibaano ay ka mid yihiin Mahad Salaad iyo Saciid Nuur Gariish oo beesha Ceyr ah iyo Cabdulqaadir Cosobole, Cabdullahi Maxamed Nuur iyo Cadaawe oo Harti-Abgaal ah ayaa guddigu sheegeen in beelahooda ay si aad ah ugu xadgudbeen xuquuqdii haweenka.
Si kastaba Caasimada Online ayaa fahamsan in xubnahan ay heli doonaan kaararkooda aqoonsi, islamarkaana tallaabada iminka loogu diiday ay tahay ayada oo guddiga uu isku muujinayo mid dhowraya xuquuqda haweenka, si ay ammaan uga helaan beesha caalamka.
Beelo badan oo Soomaaliyeed ayaan kasoo baxin qoondadii haweenka ee ahayd 30%, waxaana ay u muuqataa inaan wax tallaabo ah laga qaadi doonin, maadama arrintan aysan ku qorneyn dastuurka balse ay tahay un is afgarad guud.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

