Sawirro cusub: Diyaaraddii xalay soo dhacday.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada AMISOM ee Magaalada Muqdisho ayaa soo daabulay rarkii saarnaa Diyaarada Tristar Air Cargo oo habeenimadii xalay ku dhacday Duleedka Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.

Ciidamada AMISOM oo watay ku dhawaad 8 gaari nooca xamuulka ah ayaa diyaaradaasi saakay kasoo daabulay Hub iyo darees Ciidan, waxaana wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan in diyaarada ay u rarneyd DF Somalia si beesha caalamka aysan ula socon Hubka culculus oo ay lasoo dageyso Dowlada Madaxweyne Xassan Sheekh.

Wasaaradda Duulista Dowladda Masar ayaa sheegtay in Diyaarada ay laheyd shirkad ka howlgasha magaalada Qahira oo Dowlada u diiwaan gishneyd.

Sarkaalkaan u hadlay Wasaaradda Duulista ee Masar ayaa tilmaamay in diyaaradda ay nuuceeda ahayd ( Air Bus 300 ) taas oo siday Shixnado ay ka soo qaaday Halka loo yaqaanno Ustanda ee dalka Belgium-ka ayna la socdeen sida uu yiri 6 shaqaalaha diyaaraddaasi ka tirsanaa, sida ay Wasaarada Duulista Masar sheegtay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA