Xog: Jawaari oo arrin uusan filaneyn kala kulmay mooshin wadayaasha iyo caro awgeed oo uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweyne Xassan qaarkood ay maanta Mobilada ka dansadeen Gudoomiyaha Baarlamaanka kadib markii kulan xalay dhacay uu Jawaari Xildhibaanadaasi ku wargaliyay in Madaxweyne Xassan uu kamid yahay Mas’uuliyiinta uu ula laaban doono natiijada si uu qeyb uga noqdo go’aamiyayaasha.

Gudoomiyaha ayaa la tilmaamayaa in goordhow uu aad uga carooday xiriir xumida soo kala dhexgashay isaga iyo Mooshin wadayaasha qaar.

Mid kamid ah Xildhibaanada shirka la filaayo inuu goordhow dhaco kamidka ah, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Xildhibaanadu badi ay ka careysan yihiin go’aanada is diidan ee uu saxaafada la hor istaagayo Jawaari, waxa uuna tilmaamay in caqabada ugu weyn ay tahay in Jawaari uu si toos ah uga shidaal qaadanaayo Xassan Sheekh oo isagu ah ninka larabo.

Xildhibaanka waxa uu tilmaamay inay suuragal tahay in shirka uu dib u dhac saacado ah ku yimaado waxa uuna cadeeyay in Xildhibaanada Telefoonada dansaday loo diray Xildhibaano kale si ay uga soo qeybgaliyaan shirka.

Dhanka kale, Xildhibaanka ayaa sheegay in kulan waliba oo uu qabto Jawaari uusan aaminsaneyn inuu imaan doono isbedel.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com