GOODAX Barre oo xujo cusub hor dhigay wasiir Odowaa kana horyimid qorshihii la rabay in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arimaha gudaha C/laahi Goodax Barre ayaa kazoo horjeestay qaabka loo wajahayo dhismaha maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ay ku howlan tahay xukuumada Soomaaliya.

Xildhibaanka C/laahi Goodax, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya waddo sax aysan u marin qaab dhismeedka maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe taasina aysan suuro galeynin, sida uu sheegay.

Wuxuu sheegay in dhismaha maamulka Koofur Galbeed talashiyo badan laga sameeyay, sidoo kalana maamulka Galmudug latashiyo badan laga sameeyay, laakiin maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe kaliya gudoomiyaasha labada gobol lagala tashaday.

“Gobolada Koofur Galbeed Soomaaliya waxaa ka jiray dad kala aaminsanaa saddex gobol iyo lix gobol dowladuna waa ay la hadashay sidoo kale gobolada dhexe waxaa lagala tashaday arrimaha maamul u sameynta maamulka Ximan iyo Xeeb,Ahlu Sunna iyo Maamulkii Galmudug halka arrimaha Hiiraan iyo Sh/dhexe lagala tashaday labada guddoomiye”ayuu yiri xildhibaan Goodax Barre.

Dowlada Soomaaliya ayaa waddo qorshe maamul loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha DHexe, waxaana ay wajaheysaa Mucaaradyo badan oo kaga imaanaya siyaasiyiin iyo beelo kazoo jeeda deegaanada labada gobol.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com