Daawo Video-ga buuqii iyo fowdadii ka dhacday xarunta baarlamanka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo uu jawiga xarunta Baarlamaanka DF Somalia ahaa mid qasan, ayaa waxaa hadana isla xarunta lagu dhex arkaayay Xildhibaano watay boorar ay ku qornaayen diidmada Mooshinka laga gudbinaayay Ra’isulwasaaraha dalka C/weli Sheekh Axmed, halka qaarka kalane ay ku xoomeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari.

Xildhibaanada oo uu Ujeedkoodu ahaa inay Fashiliyaan Mooshinka ayaa waxa ay buuqooda ka bilaaben qaadashada Buuga diiwaankii baarlamaanka si aanan loo xaadirinin xildhibaanada, xogheynta baarlamaanka ayaa kadib keentey diiwaan kale, balse isna waa la qaatay mar labaad, taasi oo buuqa cirka kusoo shareertey.

Xildhibaanada taageersan R/W C/weli ee buuqa kiciyay ayaa waxa ay ahaayen kuwa kor u dhaafaya 60 kuwaasi oo ka dhabeynaayay ballamo ay ka qaaden garabka taageersan Xassan Sheekh oo aheyd inay fashilin doonaan kulanka ugu horeeyo oo ay isugu imaanayaan Xildhibaanada BF kaasi oo ahaa mid maanta dhacay.

Buuqa iyo sawaxanka kadib ayaa waxaa baarlamaanka soo gaaray Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Madaale, kaasi oo xafiiskiisa kulan kula yeeshey guddoomiyaha baarlamaanka, balse markii dambe waa uu iska baxay taliyaha, iyadoona intaa kadib uu cirka isku shareeray buuqa.

Jawaari ayaa fadhiga markii uu furay durba wuxuu ku dhawaaqay in fadhiga uu xiran yahay, maadaama aysan suuragal aheyn iyadoo ay buuqayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya in fadhiga uu socdo oo shirka sidaasi lagu wado.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii uu furay fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu ugu baaqay Xildhibaanada inay isdajiyaan oo buuqa ay joojiyaan, hayeeshe ay ka dhaga adeegeen Xildhibaanada Baarlamaanka.

“Fadhiga Baarlamaanka waa inoo xiran yahay ilaa amar dambe Xildhibaanayaal”Ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka oo kulanka soo xiray.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku goodiyay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono Xildhibaanada maanta ku dhaqaaqay tallaabada buuqa iyo foodada ee xarunta Golaha shacabka ay ka sameeyeen.

Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa laga siidaayay codadka Xildhibaanada oo buuqaya, waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo kala duwan oo Mooshinka ay ku diidanaayeen, waa Xildhibaanada Garabka Ra’iisul Wasaaraha taageersan.

Waxaa hirgalay qorshihii ay lahaayeen Xildhibaanada diidan in mooshinka la geeyo xarunta Golaha shacabka ee Garabka Ra’iisul Wasaaraha taageersan kuwaasi oo maalmo kahor ku hanjabay in Xarunta Golaha shacabka hadii la geeyo mooshinkaasi ay sameyn doonaan buuq iyo sawaxan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo kala dareeray fadhiga la xiray ee Baarlamaanka, halka Xildhibaanada Garabka Ra’iisul Wasaaraha taageersan ay isugu marxabeynayeen in qorshahooda buuqa ah uu guuleystay.

Lama garanaayo tallaabada uu qaadi doono Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ee ku aadan Xildhibaanada ku buuqay xarunta Golaha shacabka.

DAAWO SAWIRADDA

1 2 3 5 6 8 9 10 12 13 14 15