Daawo Sawirrada: C/kariim Guuleed oo Beesha reer Jalaf ee Sacad la dheelay siyaasad cusub.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed uu ku sugan yahay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, ayaa waxa uu ku guuleystay gacan ku dhigida Hub iyo Gaadiid farabadan oo ay lahaayen Maleeshiyaad kasoo jeeda Gaalkacyo.

Gaadiidka iyo Hubka lagu wareejiyay Madaxweyne Gulleed ayaa waxaa barbar socday diiwaan galinta Maleeshiyaadkii adeegsanaayay Hubkaasi oo goobta lagu qarameeyay.

Hubka iyo gaadiidka dagaal ayaa waxaa si gaar ah looga soo uruuriyay Beesha reer Jalaf Sacad, waxaana goobta Hub wareejinta ku sugnaa Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda Beeshaasi kuwaasi oo Madaxweyne Gulleed ku wargaliyay inay kula xisaabtami doonaan Hubka.

Odayaasha iyo waxgaradka ayaa sidoo kale Madaxweyne Gulleed u sheegay inay diyaar u yihiin helida amni iyo kala danbeyn, balse isagana looga baahan yahay inuu la imaado Siyaasad caadil ah.

unnamed

unnamed (7)

unnamed (6)

unnamed (5)

unnamed (4)

unnamed (1)

unnamed (2)

unnamed (3)

unnamed (1)