Xog: Muxuu CCC ka yiri dhul-ballaarsiga Kenya?

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Somaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo booqasho ku joogga Jazeerada Malta, ayaa waxa uu ka hadlay xiisadda xilligan ku soo korortay xuduuda Somaliya iyo Kenya.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa wuxuu sheegay in lagu soo wargeliyay in kulankii Baarlamaanka ee maanta uu ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka looga hadlay, dhul ballaarsiga ay Kenya ku hayso dhulka Somaliya.

Wuxuu tibaaxay in arrin khalad ah ay tahay, haddii ayba dhacday in Kenya ay burburisay calaamadihii muujinaayay halka kala qaybisa xuduuda labada dal, isla-markaana ay Kenya kala xisaabtami doonaan.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa wuxuu sheegay in Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta uu toddobaadkii hore kala hadlay inaysan macquul ahayn derbi laga dhex dhiso labada dal, isla-markaana uu u ballanqaaday inaanay arrintaasi ku dhaqaaqi doonin.

Wuxuu beeniyay in Madaxweynaha Kenya uu kala hadlay murunka la xiriira badda Somaliya, oo Kenya ay sheeganeyso inay leedahay qayb ka mid ah badda Somaliya.

Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa sheegay in maanta uu la xiriiray Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Somaliya, Maxamed Cumar Carte,  isla-markaana uu ku amray in Safiirka Somaliya u fadhiya dalka Kenya, Jamaal Maxamed Xasan uu soo xaqiijiyo waxa arrintaasi ka jiro, si ay Kenya ugala xisaabtamaan.

Xiisadda ka taagan xuduuda, ayaa soo korortay shan maalmood ka dib, markii Ra’iisal Wasaare Sharmaarke, uu Magaalada Nairobi kula kulmay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Guddiyada Arrimaha Gudaha & Dibadda Ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa Khamiista berrito ah kulan ka yeelan doono xiisaddan, si ay kaga soo warbixiyaan cabashada ka soo yeereysa dadka ku nool Degmada Beled Xaawo Ee Gobolka Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com