Daawo Sawirrada laga soo qaaday fanananiinta Xidigaha oo ku dhex jira xabsiga & maanta oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in Maxkamad lasoo taago Afarta Fanaan ee Xidiga Geeska kasoo shaac baxay kuwaasi oo maalin ka hor goortii ay ka laabteen Magaalada Muqdisho lagu xiray Magaalada Hargeysa.

Fanaaniinta maanta la horgeyn doono Maxkamada ayaa waxa ay kala yihiin Nimcaan Hilaac, Xamda Queen, Maxamed Axmed Cirro Bakaal iyo C/raxmaan Oday, kuwaasi oo xarig iyo Jirdil ku muteystay qaadashada midnimada Qaranka Somalia.

Fanaaniinta oo maalintii Seddexaad ku xiran magaalada Hargeysa ayaa loo diiday Cuntada, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Kooxda Xasan Saleebaan Dhuxul.

Sidoo kale waxaa laga mamnuucay Booqashada Eheladooda iyo inay booqdaan Fanaaniintii kala tirsanaa Kooxda.

Abwaan Xasan Dhuxul laabsaalax oo ah Gudoomiyaha Kooxda ayaa goordhow cadeeyay in Saakay Saacadu marka ay tahay 8:00 aroornimo Fanaaniintaasi la horgeyn doono Maxkamada waxa uuna sheegay in Maxkamadu aysan laheyn wax arxan ah.

Sidoo kale, Afhayeenka kooxda xiddigaha geesku waxa uu sheegay inaanay dambi noqon karin magaalo hebla ayaad ka soo heestay, waxaannu meesha ka saaray eedaynta oo uu beeniyey inaanay jirin fanaan ka tirsan Xiddigaha geeska oo shaqaale dawladdeed ahi.

Masuul u hadlay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay in Fanaaniinta laga xir-xiray ee Kooxda Xiddigaha geesku ay yihiin Shaqaale dawladdeed oo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland,hase yeeshee eedahaas way iska fogeen Kooxdu.

Si kastaba ahaatee maanta ayaa Afarta fanaan ay hor tagi doonnaan Maxkamadda gobolka Hargaysa, waxaana la eegi doonaa bal sida ay wax u dhacaan iyo waxa ay ku eeddaysan yihiin intaba.
1

2
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com