DAGAAL xooggan oo ka socda Nugaal iyo Sool!!

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray deegaanka u dhexeeya Magacley iyo Qoriley, ayaa sheegaya in halkaasi uu hadda ka socdo Dagaal xoogan.

Deegaanada uu hadda ka socdo dagaalka ayaa dhaca hawdka u dhexeeya Mudug, Nugaal iyo Sool waxaana la soo warinayaa in halkaasi uu ka socdo dagaal hub culus leysu adeegsanaayo.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxa uu u dhexeeya dhinacyadii hore halkaasi ugu dagaalamay, waxaana la maqlayaa gurxanka hubka culus oo labada dhinac ay isu adeegsanayaan.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka socda tuulada Magacley oo 30 KM u jirta Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal, iyadoona dhinacyada uu dagaalka u dhexeeyo ay isku gurmad dalbanayaan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu Sababay Dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray dhinacyada ku dagaalamayo dhulka hawdka ah.

Sidoo kale dagaalka ayaa waxaa barbar socda waan waan Madaxda Maamulka Puntland ay ka wadaan goobaha lagu dagaalamayo,iyadoo Wafdi ka socda Puntland ay ku baxeen Colaadii ka dhacday dhulka Miyiga ah.

Lama xaqiijin karo tirada dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka wallow ay soo baxayaan warar is khilaafsan hadana ma muuqato tiro koob sax ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com