Sawirro: Dibadbaxyo looga soo horjeedo XASAN SHEEKH oo ka dhacay Xarunta QM ee New York

Muqdisho (Caasimada Online)-Boqolaal Soomaali ah ayaa ku hor banaanbaxay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, halkaas oo uu ka socdo shirka Guud ee Qaramada Midoobay.

Boqolaalkaani shacab ah ayaa kasoo jeeda Beesha Jareer weyne oo Banaanbaxyadooda uga soo horjeedo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo isagu Xaruntaasi uga qeybgalaayo Shirka.

Dadkaani ayaa Madaxweyne Xassan ku eedeynaayo inuu laalay Cadaalada dalka islamarkaana ay DF Somalia ku tumatay xuquuqdii ay Beeshu ku laheyd Dowlada.

Inta uu Banaanbaxa socday ayaa waxaa Xarunta horteeda Saxaafada kula hadlay Cabdi Mude oo ah Afhayeenka Beesha Jareerweyne waxa uuna sheegay in Banaanbaxa uu yahay mid ay uga soo horjeedan Madaxweyne Xassan, waxa uuna Tilmaamay in DF ay baabi’isay xuquuqda Beesha Jareer weyne.

Cabdi Mude waxa uu sheegay in Cadaaladarida lagu hayo ay qayb ka tahay qaybsiga awoodda Siyaasadeed ee dalka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Banaanbaxa uu yahay mid ay Cabashadooda ku ogeysiinayaan Madaxweyne Xassan iyo Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Shirka.

Dibadbaxan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horeysay oo Somali ay dhigto oo ka dhaca Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, halkaasoo uu ka socdo Shirka 70-aad ee Qaramada Midoobay.
N1

N2

N3

N4

N5

N6