Daawo Sawirrada: Ciidamo ay DFS u diyaarisay gobolka GALGADUD oo maanta lasoo bandhigay

Muqdisho (Caasimada Online )-Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu soo bandhigay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Militeriga DF Somalia ee ka howlgali doono gobolka Galguduud.

Ciidamadaani ayaa maalmihii danbe lagu uruurinaayay Magaalada Beledweyne waxa uuna ujeedkoodu yahay inay ka howlgalaan gobolka Galguduud.

Ciidamadaani ayaa waxaa diyaariyay Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Magaalada Beledweyne iyo Maamulka Gobolka Hiiraan.

Col Towane Axmed Gurey oo ah Taliyaha Ciidamada Militariga Gobolka Hiiraan oo dardaaaran u jeedinaayay Ciidamada ayaa sheegay in Ciidamadaani laga soo kala uruuriyay Muqdisho iyo deegaanada hoostaga Gobolka Hiiraan looguna talagalay in ay ka howlgalaan deegaanada Bariga gobolka Galguduud.

Taliyaha waxa uu sidoo kale, sheegay in ay jiri doonto wadashaqeyn buuxda oo dhaxmarta Saraakiisha Ciidammada labada gobol Hiiraan iyo Galguduud.

Waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay guulaha Ciidamadaani ay kasoo hoyin doonaan Howlgalada joogtada ah oo ay ka sameynayaan gobolka Galguduud.

DCIM101MEDIA
DCIM101MEDIA
DCIM101MEDIA
DCIM101MEDIA
DCIM101MEDIA
DCIM101MEDIA
DCIM101MEDIA
DCIM101MEDIA
DCIM101MEDIA
DCIM101MEDIA
DCIM101MEDIA
DCIM101MEDIA