Muqdisho (Caasimada Online)-Munaasabadaan oo ahayd mid xil wareejin ah ayaa waxa ay ka dhacday Magaalada Muqdisho iyadoo ay xilka ku kala wareegayeen Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee dalka Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf iyo kan cusub Ibraahim Iidle Suleymaan.
Munaasabada ayaa waxaa ku sugnaa Wasiiro, Xildhibaano, Taliyayaal iyo Saraakiil ciidan, waxa uuna wajiga ilka-xanaf maanta ahaa mid ka duwan wajigii hore, waxaana ka muuqatay isbedel muujinaaya inuusan raali ka aheyn xilka laga qaaday, balse uusan awood u laheyn in xilkiisa uu kusii doodo.
Ilka-xanaf waxa uu sidoo kale maanta gabay dhoola cadeyntii looga bartay, inkastoo uu xiliyada qaar muujinaayay dhoola cadeyn hadana cid kasta waxa ay dareemeysay in Ilka-xanaf uusan maanta aheyn kii hore.
Waxa uu kusoo celcelinaayay in intii uu xilka hayay wax badan uu ka qabtay Garsoorka islamarkaana uu garwaaqsan yahay dhaliilo loo jeedinayay shaqadiisa, taas oo uu ku micneeyay dhaqaalo yarida Garsoorka Soomaaliyeed uu ku shaqeynayay.
Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa waxa uu sheegay in uu gudan doono waajibaadkiisa isagoo kaashanaya bahda Cadaaladda waxaana uu hoosta ka xariiqay in uu la shaqeyn doono dhammaan hay’adaha Cadaaladda dalka.




