Daawo sawirro muujinaya qaabka uu ku furmay shirka Baydhabo

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Baydhabo ayaa waxaa maanta ka furmay shirka madasha wadatashiga Qaran ee looga doodaayo arrimaha doorashooyinka dalka iyo habka lagu dhisaayo aqalka sare iyo Baarlamaanka dalka.

Madasha ayaa waxaa furay madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud, waxaana sidoo kale halkaasi khudbado gaagaaban ka jeediyay madaxda qaar ee shirkaasi uu khuseeyay.

Shirka ayaa ku furmay jawi degan waxaana halkaasi ku dhamaa dhammaan madaxda DF, Maamul Goboleedyada iyo Wakiiladaha caalamka.

Shirka madasha oo lagu waday inuu furmo maalintii isniintii ee lasoo dhaafay ayaa dib u dhacay, ayada oo aan la shaacin sababta, waxaase uu dib u furmay gelinka dambe ee maanta.

Shirkaani ayaa noqon doona kii ugu danbeeyay ee looga doodo arrimaha doorashooyinka waxaana intaa kadib si toos ah loogu guda gali doonaan howlaha la xiriira ololaha doorashooyinka.
shir1

shir2

shir3

shir4

shir5

shir6

shir7

shir8

shir9

shir10