Sawirro: Gabre iyo Afey maxay u sheegeen Ugaaska Xawaadle?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Beledweyne ee xarunta maamulka Hiiraan ku kulmay Ergayga IGAD u qaabilsan Arimaha Somalia Maxamed Cabdi Afey, Gen. Gabre iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Kulan Saacado qaatay ayey Baledweyne ku yeesheen Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyagoona kala hadlay arimaha dhismaha maamul ay yeeshaan Gobalada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe.

Kulankan oo ahaa mid si gaar ah u dhaxmaray Ugaaska iyo wafdiga socday IGAD iyo Itoobiya, ayaa markii uu soo dhamaaday Waxaa Shir jaraa’id wada jir u Qabtay Danjire Maxamed Afeey iyo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo sheegay in ay ka wadda hadleen inta badan sidii loo dhaqaajin lahaa dhismaha dowlad gobolleedka labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Ugaaska Xawaadle oo isna dhankiisa kala hadlay Saxaafada ayaa sheegay in Afey iyo Gebra ay kawada hadleen keliya danaha labada maamul waxa uuna sheegay inay isla garteen nidaamka lagu gaari lahaa shir loo dhanyahay.

Ugaas Xassan Ugaas Khaliif ayaa sidoo kale sheegay in qodobadii ay ka wadda hadlleen isaga iyo wafdiga isku afgarteen, inkastoo sida uu hadalka u dhigay wali arrimo badan dhiman yihiin oo waqti kale loo balamay.

Kulankaani ayaa waxa uu albaabada u furayaa shirka la filaayo in lagu qaban doono magaalada Muqdisho, kaasi oo noqon doona mid laga soo wareejiyay magaalada Jowhar kadib khilaaf hareereeyay.

Ma jiraan qodobo iminka la xusi karo oo ay ku heshiiyeen Ugaas Xassan Ugaas Khaliif, Afey iyo Gen. Gebra, waxaase leysku afgartay in la xoojiyo kulanka leyskuna fahmo wax waliba oo dani ay ugu jirto shacabka labada maamul ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
1

2

3

5