Xasan oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay shirka BAYDHABA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo uu si rasmi ah uga furay shirka Madasha qaran.

Shirka madasha oo lagu waday inuu furmo maalintii isniintii ee lasoo dhaafay ayaa dib u dhacay, ayada oo aan la shaacin sababta, waxaase uu dib u furmay gelinka dambe ee maanta.

Magaalada Beydhabo waxaa maanta sidoo kale gaaray Ra’isul wasaaraha Somalia, Gudoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Somalia, Madaxweynaha maamulka Puntland, Madaxweynaha Galmudug, Madaxweynaha Jubbaland iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Somalia.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan sanadkan, saadka iyo amniga goobaha doorashada , saamiga haweenka ee goleyaasha dowladda, sameynta guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada, arrimaha dib u eegista dastuurka.

Madaxweynaha dalka ayaa halkaasi ka jeediyay Khudbad aad u dheer oo khuseysa Hanaanka Siyaasadeed iyo mida doorashada, waxa uuna ka digay in laga gaabiyo heshiisyadii horay loo wada gaaray.

Madaxda maamulada iyo Wakiilada beesha caalamka ayaa la filayaa in iyaguna ay jeedin doonaan khudbado dhaxal gal u ah shirka.

Ammaanka goobta shirka iyo xaafadaha ku dhow dhow ayaa waxaa la wareegay ciidamada Itoobiyaanka waxaana si weyn loo adkeeyay amniga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com