25 C
Mogadishu
Monday, January 12, 2026

Sawirro: Dhallinyaro Soomaali ah oo ku dhamaaday saxaraha Niger

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Niger ayaa aad u hadal heysa Soomaali Tahriib ah oo ku dhintay Kunteenar lagu xiray xili ay kusii jeeden dalka Simbabwe.

Warbaahinta oo xiganeysa Saraakiil ka tirsan waaxda dambi baarista dalka Tanzania, ayaa sheegay in howlgal ay ciidamadu sameynayeen ay ku heleen Meydadka 15 tahriibayaal Soomaali ah.

Kunteenarkaan ayaa la sheegay inay la socdeen 50 Soomaali ah oo doonayay in si sharci darro ah ay ku galaan dalka Simbabwe, waxaana dhimashada dadkaan la ogaaday markii Boolisku maqlay cod kasoo yeerayay Konteenarka gudahiisa.

Saraakiisha waxa ay sidoo kale sheegen in dadkaani Tahriibayaasha ee dhintay ay ka ordeen muqalisiinta waday.

Sidoo kale Wasiirka Arimaha Gudaha ee dalka Niger ayaa isna xaqiijiyay geerida dadkaasi Soomaalida ah.

Dalka Niger ayaa isna ka mid yahay wadamada ay sii maraan dadka u haajira wadamada Yurub.
Tahriib 111

Tahriib 1111

Tahriib 11111

- Advertisement -

Read more

Local News