Xog cusub: Xaaladda caafimaad ee Xasan oo aan wanaagsaneyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Aqalka looga arrimiyo dalka ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud howlo caafimaad u joogo dalka Jarmalka.

Madaxweyne Xassan ayaa lagu dabiibayaa Isbitaal ku yaalla magaalada Berlin oo ay ka howlgalaan Dhakhaatiir la socta xaaladiisa caafimaad.

Madaxweyne Xassan ayaa sanadkiiba mar gaara dalka Jarmalka, halkaas oo sanadkii hore sidan oo kale baaritaan caafimaad lagula sameeyay.

Madaxtooyada Somalia ayaa qarineysa xanuunka Madaxweyne Xassan ee sanad waliba uu u aado dalka Jarmalka.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Sanadkiiba mar laga bedelo dhiiga taasi oo aan la ogeyn sababta keentay, sida aan kasoo xiganay xubno ka howlgala Villa Somalia.

Dhanka kale, madaxweyne Xassan ayaa lagu wadaa in maalinta sabtida uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com