Daawo: Senator Farmaajo ku eedeeyey inuu Gedo iyo gobol kale u kala eexday

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Xuseen Sheekh Maxamuud, oo ah Xoghayaha Guddiga dib u eegista Dastuurka labada Aqal BFS oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa eedeymo culus u jeedisay madxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Senator Xuseen ayaa dowladda federaalka ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayuu sheegay inay ku fashilantay sugida amniga, isagoona ku eedeyay inuu ciidamo ku daabulayso deegaano aan looga baahneyn.

Waxa uu xusay in ciidamada ay dowladda ku daabuleyso gobolka Gedo oo uu sheegay inay dano gaar ah oo siyaasadeed ay ka leedahay, taasi oo muddooyinkii dambe xiisad xoogan dhalisay.

Senator-ka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan si isku mid ah ugu cadaalad falin gobolada Bakool iyo Gedo, kaasi oo ay kasoo kala jeedaan Farmaajo iyo Senator-ku.

“Madaxweyne Farmaajo dadka kasoo jeeda gobolada Gedo iyo Bakool isku si uguma cadaalad falin, waxay bulshadu arkayaan dadaalka dheeraadka ah ee aad galinayso gobolka aad kasoo jeedo ee Gedo,” ayuu yiri isagoo sheegaya qaabka uu madaxweyne Farmaajo deegaankiisa wax ugu qabtay.

“Ciidanka qaranka ee maalin walba loogu daabulsyo goobo ay doorasho ka socoto, maxaa loogu bad-baadin waayay dadka noloshoodu halista ku jirto, mise kursiga ayaa ka muhiimsan nolosha dadka.”

Sidoo kale waxa uu fariin cod dheer ugu diray in laga howl-galo go’doon ay Al-Shabaab galiyeen deegaano badan oo ka tirsan Koonfur Galbeed, kuwaasi oo ay hagratay dowladda federaalka, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Senator-ka ayaa imanaya xili dowladda federaalka ay muddooyinkii dambe  ciidamo hor leh ka dejinaysay deegaano ay ka qabanayso doorasho lagu muransan yahay, iyada oo si gaar ah ciidamo faro badan ugu daabushay gobolka Gedo oo uu kasoo jeedo madaxweyne Farmaajo.

Hoos ka daawo Senator Xuseen