Askar Haramcad ah oo lagu dilay dagaal ay Muqdisho kula galeen maleeshiyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo ay  ku dhinteen askar ka tirsaneed booliska gaarka ah ee Haramcad.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyey ciidamada booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo koox maleeshiyaad ah oo tilmaantooda lagu soo koobay (Macawiisley).

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Haramcad ay kooxdaas ku weerareen goob ay isbaaro u taalay, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus.

Inta la xaqiijiyey 4-askari ayaa ciidamada Haramcad looga dilay iska hor imaadkaas, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo dhanka ammaanka ah.

Sidoo kale waxaa la sheegay in kooxdii isbaaradu u taalay ee la weeraray uu gaaray khasaare aan la cayimin inta uu dhanyahay, waxaana jiray dhaawacyo soo kala gaaray labada dhinac oo la dhigay isbitaallada Muqdisho.

Afhayeen booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo la hadalay Shabeelle TV ayaa sheegay in goobtii lagu dagaalamay ay caawa joogaan ciidamada Haramcad, isla markaana laga ceyrshay meleeshiyaadkii ku sugnaa, sida uu sheegay.

Waxaa maanta aad u kacsaneed xaaladda deegaanka Jaziira oo ah goob ay dadka reer Muqdisho u dalxiis tagaan, si gaar ah maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ayaa aad loo tagaa xeebta dheer ee Jaziira.

Deegaanka Jaziira oo dhaca duleedka koofureed ee magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe marti geliyey isku dhacyo soo noq-noqday, kuwaas oo u dhaxeeyey ciidamada dowladda iyo kooxo maleeshiyaad ah.

Waxyaabaha ugu badan ee isku dhacyadu ka dhashaan ayaa ah isbaarooyin iyo qaadka ka yimaada Kenya oo si dhuumaaleysi ah xeebta Jaziira looga soo dejiyo, halka dowalduna ay go’aansatay in qaadkaas uusan soo gelin magaalada Muqdisho.

Hoos ka dhageyso wareysiga Afhayeenka Booliska  Â