Daawo: Shaqaale careysan oo ku dibadbaxay mid kamid ah wasaaradaha dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqaalaha hay’adda cilmi baarista badaha Soomaaliyeed ayaa maanta dibadbax cabasho ah ka dhigay Muqdisho, iyaga oo eedeyn culus u jeediyey wasiirka wasaaradda boostada iyo isgaarisiinta xukuumadda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah shaqaalaha hay’adda oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in wasiirka uu saaka shaqada kasoo eryey, isla-markaana ay haatan yihiin shaqo la’aan.

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda cilmi baarista badaha Soomaaliyeed, Cabdinuur Cabduqaadir oo goobta dibadbaxa ka hadlay shaaciyey in wasiirka boostada uu ka soo xirtay xafiisyadii ay ku shaqeynayeen oo ku yaallo xarunta wasaaradda, wuxuuna sheegay in 5 sanno ay daganaayeen.

“Ninka wasiirka ah qolalkii oo dhan ayuu naga xirtay bannaanka ayuu na soo dhigay, saaka shaqo la’aan ayaa nahay bannaanka ayaan taaganahay. Muddo 5 sano ahna waan daganeyn xarunta,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka hay’adda cilmi baarista badaha Cabdinuur Cabduqaadir.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintaan ay cabasho ka yihiin ayna gudbinayaan madaxda kale ee dowladda, isaga oo sheegay in dad kale uu wato wasiirka wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta.

“Cabashada aan gudbineyo waxa ay tahay nidaam haddii uu jiro wasiir dhan waayey isaga wuxuu la hadli karaa mas’uulka hay’adda dhowr jeer ayuu na meermeeriyey, kadibna albaada dhan ayuu beddalay waa xirtay”. ayuu sii raaciyey guddoomiye ku xigeenka hay’adda cilmi baarista badaha.

Sidoo kale oday kale oo ka mid ah shaqaalaha hay’adda oo la hadlay warbaaninta ayaa isna ku daray in tallaabada uu qaaday wasiirka ay la yaab ku noqotay, maadaama ay ka wada tirsan yihiin hay’ado ahaan dowladda dhexe, isaga oo ku baaqay in arrintaan si deg deg ah wax looga qabto.

“Waxaan la yaabanahay maamul dowladeed oo maamul kale oo dowladeed ka xiranaayo xafiiska, laakiin waxay aheyd in si nidaam ah naloo soo maro, xittaa haddii xafiiska nagala qaadayo,” ayuu yiri mid ka mid shaqaalaha hay’adda cilmi baarista oo isna la hadlay warbaahinta Muqdisho.

Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay wasiirka wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya oo ku aadan shaqaalaha maanta ku dibadbaxay xarunta wasaaraddaas, kuwaas oo cabasho u jeediyey wasiirka boostada & isgaarsiinta.