Koox hubeysan oo IMAAM MASJID ku dishay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo xalay xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho loogu geystay Imaam Masaajid oo caanka ahaa gudaha caasimada.

Dilka ayaa ka dhacay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, waxaana loo geystay Sheekh Cabdicasiis Axmed Xirsi oo ahaa Imaamka Masaajidka dabaqeynka oo ku yaalla degmadaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen marxuumka, kadibna ay goobta ka baxsadeen.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey Dharkenley, balse ma jiro wax war ah oo ay kasoo saareen dilka iyo howlgallada xigay.

AUN Imaamka ayaa inta aan la dilin kahor khudbaddii Jimcaha ee uu shalay ka jeediyay masajidka Dabaqeynka wuxuu uga hadlay arrimo ah xasaasi ah, isaga oo ku dheeraaday ka hadalka amni darrada Muqdisho iyo carada Alle ee ka dhalaneysa baneysiga dhiigga qofka muslimka ah.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in gurmad loo sameeyo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii 29-kii bishii hore ka dhacay agagaarka Zoobe.

Waa dilkii labaad ee muddo 24 saac gudahood la dhacaya Muqdisho, waxaana xalay Dayniile lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda oo lagu magacaabi jiray, General Cabdullahi Xuseen Warsame (Waran) kaas oo ay toogteen rag ku hubeysnaa bistoolado kadibna goobta ka baxsaday.