Daawo: Shariif oo wacad ku maray inaysan aqbali doonin arrin aad loo hadal hayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kalena ah Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Mucaaridka ayaa maanta si adag uga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo shirka wada-tashiga ah ee madaxda dowladda iyo kuwa maamulada uga socda Dhuusamareeb.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in xiligan ay aheyd in doorashada madaxweynaha oo keliya ay harsan tahay, halka doorashooyinka kale ay qabsoomi lahaayeen, taasi oo uu ku tilmaamay nasiib darro.

Waxaa uu sheegay in Golaha midowga mucaaridka ay ka xun yihiin in aan heshiis rasmi ah laga gaarin arrimaha doorashooyinka, iyada oo uu dhamaaday waqtiga dowladda loo muddeyay.

Shirka jaraa’id ayaa sidoo kale waxa uu wacad ku maray in marnaba aysan aqbali doonin muddo kororsi kasoo baxa shirka Dhuusamareeb, isagoona xusay in shirweynahaas lagu gaari karo oo keliya “heshiis siyaasadeed”, islamarkaana ay muhiim tahay in ilaaliyo shuruucda iyo dastuurka u yaalla dalka.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay muhiim aheyd in shirka Dhuusamareeb ay qeyb ka noqdaan Midowga Musharixiinta Madaxweynaha, Guddoomiyaha Aqalka sare & Ururada Bulshada rayidka, kuwaasi oo hadda dibad joog ka ah kulamada looga arrinsanayo muranka doorashooyinka dalka.

Hadalka Shariif ayaa imanaya xili uu magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug uu ka socdo shirweyne u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo maamulada dalka oo uu qeyb ka yahay guddoomiyaha gobolka Banaadir, isla markaana looga arrinsanayo is-mari-waaga doorashada, kaasi oo lagu wado in laga soo saaro go’aamo xal u noqda khilaafka.