Beesha caalamka oo shirka Dhuusamareeb uga digtay 3 arrin oo ‘aysan aqbali karin’

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen uga hadleen shirka wada-tashiga ee ka socda magaalada Dhuusamareeb, oo looga hadlayo muranka baahsan ee ka taagan hanaanka doorashada dalka.

Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa ugu horeyntii soo dhaweeyay shirkaas, iyagoona ka digay inay kasoo baxaan wax ka bedelan hanaankii doorasho ee hore loogu heshiiyay ama geeddi-socod kale oo kan barbar socda ama doorashooyin qayb ah oo aan loo dhammayn.

“Saaxiibada beesha caalamka waxay soo dhoweynayaan kulanka dhexmaraya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka oo hadda ka socda magaalada Dhuusomareeb. Waxaa muhiim ah in dhammaan ka qaybgalayaashu ay si wax ku ool ah uga qaybqaataan si loogu heshiiyo hirgelinta hanaanka doorashooyinka qaran heshiiskaasoo dhowraya qaabka doorasho ee heshiiskii 17kii Sebtember,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay sheegen in madaxda qeybta ka ah shirkaas ay muhiimad gaar ah siiyaan sidii ay uga qeyb qaadaan lahaayeen xal ka gaarista khilaafka doorashada, si loogu heshiiyo hirgelinta hanaan aan ka badalneyn midkii 17-kii September, balse meesha ka saaraya khilaafka taagan.

Sidoo kale waxay ku baaqeen in dhamaan madaxda siyaasada ay mudnaanta koowaad siiyaan hirgelinta hab horey loogu socdo, meeshana ka saara dib u dhac dheeraad ah oo ku yimaada doorashooyinka.

“Waxaan hoosta ka xariiqeynaa in natiijooyin kasta oo beddel ka ah kii lagu heshiiyay, oo ay ka midyihiin geeddi-socod kale oo kan barbar socda ama doorashooyin qayb ah oo aan loo dhammayn, ama tallaabooyin kale oo aan ahayn hanaanka doorashooyinka lagu heshiiyey, ay noqon doonaan dib-u-dhac aan heli doonin taageerada saaxiibada caalamka. Sidaa darteed, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan madaxda siyaasadda inay mudnaanta siiyaan sidii lagu heli lahaan hab horay loogu socdo iyadoo jirin dib u dhac dheeraad ah”.

Ugu dambeyntiina saaxiibada beesha caalamku waxay mar kale usoo jeediyeen dhammaan madaxda Soomaaliya inay heshiis wadar-ogol ah oo la isku raacsan yahay ka gaaraan hirgelinta doorashooyinka si deg deg ah oo oo ah arrin ay danta qaranku ku jirto. 

War-saxaafadeedkan ayaa waxa si wada-jir ah usoo saaray; Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.