Xog: Kulankii madaxweyne Farmaajo ugu yeeray BF ee berri oo 2 sabab u baaqday

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhac ku yimid shirkii Madaxweynaha Soomaaliya Iclaamiyay ee 5-ta bisha oo ku beegan berri, kaas oo ay isugu imaan lahaayeen labada gole ee baarlamanka Soomaaliya si khudbad ugu jeediyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in lagu wargeliyay in shirkii Jimcaha u dhacay Sabtida. 

Kulankaan ayaa waxaa dib loogu dhigay laba qodob oo kala ah. 

1- In madaxweynaha wali uu kasoo dhamaan shirkii Dhuusamareeb oo qaatay waqti dheeraad ah iyo,

2- In berri tahay maalin fasax ama nasiino maadaama inta badan Jimcaha bulshada Soomaaliyeed nastaan. 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ku xigeenadiisa ayaa la sheegay in Madaxweynaha ay ka diideen in Jimco baarlamaanka la shiriyo maadaama ay maalintaas ka mid tahay maalmaha fasaxa baarlamaanka.

Maalinta Sabtida oo ku beegan 6-bishaan ayaa loo qorsheeyay in kulankaan deg dega ah dhaco, waxa uuna Madaxweynaha Soomaaliya ka hadli doonaa xaaladda dalka iyo heshiiska Dhuusamareeb haddii kahor shirkaas la gaaro. 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweynaha doonayey inuu kasoo tago Dhuusamareeb kadibna ku laabto marka uu la hadlo xildhibaanada, hase yeeshee ay beesha caalamka ku cadaadisay inuusan iman Muqdisho iyada oo aan heshiis laga gaarin doorashada.

Si weyn ayaa loo dhowrayaa kulanka baarlamaanka iyo Madaxweynaha waxaana la aamisan yahay in uu Madaxweynaha uu faah faahin doono xaalada siyaasadeed ee dalka.