Xog: Axmed Madoobe oo dalab cusub la yimid iyo wararkii u dambeeyey shirka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno shirka Dhuusamareeb waxay sheegayaan in caawa fiidkii hore uu kulan gaar ah u bilaawday madaxweyne Farmaajo, Madaxweyne Deni iyo Ra’iisul wasaare Rooble, kadib markii dalab cusub uu ka yimid madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Dalabkan ayaa la xariira arrinta gobolka Gedo oo maanta dhinacyadu isla garteen in lagu xaliyo laba qodob oo kala ah:

1- In Ciidamo Boolis AMISOM la geeyo Garbahaarey, oo ah magaalada labaad ee Jubaland ee doorashada ay ka dhaceyso, si labada dhinacba aysan awoodda doorashada u yeelan.

2- In Guddiga Doorashada Jubbaland la geeyo Garbahaarey, si doorashada ay halkaas uga qabtaan, ayadoo amnigooda ay sugayso AMISOM.

Sidoo kale Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo HirShabelle, ayaa maanta arrinta Gedo si gaar ah loogu xil saaray, si ay xal buuxa uga gaaraan khilaafka dowladda dhexe iyo Jubbaland ee gobolkaas.

Iyadoo xal u helidda arrinta gobolka Gedo intaas looga gudbay ayey madaxdu kala aadeen waqti nasiino ah, balse daqiiqado kadib waxaa soo hadlay Axmed Madoobe, oo waxba kama jiraan ka soo qaaday heshiiskii hordhaca ahaa ee laga gaaray arrinta Gedo oo ah khilaafka ugu weyn ee doorashada Soomaaliya ay wajaheyso xilligan.

Ilo aad ugu dhow shirka ayaa Caasimada Online u sheegay in Axmed Madoobe diidmadan cusub ku saleeyey in mar dambe uusan dooneyn in si fudud looga hoos bixiyo arrinta gobolka Gedo, isla markaana loo sameeyo balan qaad aysan waxaba ka soo naasa cadaaheyn.

Intaas kadib waxaa shir gaar ah arrinta Gedo ka yeeshay Madaxweyne Farmaajo, RW Rooble iyo madaxweyne Saciid Deni, waxayna kulankan ku gorfeynayaan sidii loo qanci lahaa madaxweynaha Jubbaland, oo mar kale saluugay xalkii la isu sheegay maanta.