SHIRKA Dhuusamareeb oo lagu kala booday – Xog

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in lagu kala booday shirka Dhuusamareeb, ee u socday madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo madax goboleedyada.

Xog aan shirka ka helnay ayaa sheegeysa in qodobka ugu weyn ee la isku mari waayey uu yahay arrinta gobolka Gedo, kadib markii madaxweyne Farmaajo uu ka tanaasuli waayey in maamulka doorashada gobolkaas uu u daayo Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa la filayaa in goor dhow uu qabto shir jaraa’id oo uu ku faah-faahinayo sida ay wax u dhaceen iyo waxa la isku fahmi waayey, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Jubaland.

Madaxtooyada Jubaland ayaa qoraalka kooban oo ay soo saartay ku tiri “Madaxweynaha Dowlada Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa goordhow warbaahinta uga warbixin doona marxalada uu shirku marayo iyo sababta illaa hadda xal looga gaari la’yahay arrinta gobolka Gedo taas oo sababtey in heshiis rasmi ah ka soo bixi waayo shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee Dhuusamareeb.”

Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu kasoo tago magaalada Dhuusamareeb, kuna soo laabto Muqdisho, isaga oo ballansaday kulan uu berri kula hadli doono xildhibaanada labada aqal.